Khilaafka ka dhex aloosan Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray kadib markii ay xalay ku dhawaaqeen guddigii dhexdhexaadinta Aqalka sare in ay burburtay waanwaantii ay wadeen, iyagoo ku eedeeyey in dhanka xukuumadda ay ka socon waysan heshiiskii ay wadeen. Sidoo kale Xildhibaanada la baxay Badbaadada Barlamaanka oo taageersan Gudoomiye Jawaari oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Villa Hargeysa ayaa sheegay in uu burburay mooshinkii laga keenay gudoomiye jawaari Madaama uu dhamaaday waqtigii uu qorayey xeer hoosaadka Barlamaanka oo ah muddo 10 cisho ah.
Dhanka kale Xildhibaanada Wada Mooshinka ayaa la filayaa in ay maanta qabtaan shir ay kaga soo horjeedaan arintaas, waxaana labada dhinac isku diyaarinayaan loolan siyaasadeed adag, Sidoo kale Gudoomiye Jawaari ayaa isna la filayaa inuu maanta in uu ku dhawaaqo inuu burburay mooshinkii laga keenay, hadda kadibna uu hogaamin doono howlaha barlamaanka, taas oo keeni karta in Jawaari iyo Muudeey isku qabsadaan cidda xaqqa u leh gudoominta fadhiyada barlamaanka, waxaana suurtagal ah hadii aan la qaboojin arintan in ay keento in barlamaanku yeesho laba gudoomiye barlamaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu si toos ah ula saftay Xukuumadda Kheyre, taas oo god dheer ku riday rajadii laga qabay in khilaafkan lagu dhameeyo wada hadal, dhanka kale Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa ku cadaadinaya wasiirada in ay keenaan xildhibaanada beelahooda. Waxaana bulshadu eegaysaa halka uu ku dambeeyo khilaafka xarga goostay ee Golaha Shacabka.