Madasha Heego ayaa xalay qabatay dood wadaag loo hadlayey Dastuurka Kumeelgaarka Soomaaliya, doodaan ayaa marti ku ahaa Wasiirkii Hore Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali (Cismaan Dheere). Dooda ayaa waxaa Daadihinayey Maxamed Dhagacade oo ka mid ah Madaxda Heego Forum.
Wasiir Cismaan ayaa Jaamacadda Ummadda ka bartay Siyaasadda, sidoo kale wuxuu soo noqday gudoomiye degmada Caluula gobolka Bari, xiligii dowladii kacaan, sidoo kale jagooyin kale ayuu ka soo qabtay dowladii dhexe Soomaaliya. kadib burburkii wuxuu tagay wadanka Finland, halkaas oo uu muddo ku noolaa, sanadkii 2001 ayuu dib ugu soo laabtay deegaanada Galmudug, isagoo Mashaariic kala duwan ka saameyey, wuxuu soo noqday la taliyihii Madaxweynihii Maamulkii Ximan iyo Xeeb.
Marti sharaf kale ayaa kasoo qeyb galay madasha, waxayna weydiiyeen wasiirka arimaha dastuurka kumeelgaarka ah Soomaaliya. Heego forum oo la aasaasay Luulyo 2017 ayaa bil kasta qabata doodo iyo barnaamijyo kor loogu qaadayo wacyiga bulshada Soomaaliyeed.
Lifaaqan ka daawo muuqaalka Qeybta 1-aad