Xasan Sheekh “Doorashadu waa tartan, labo ninna kuma soo baxeyso ninkii soo bixi waaya 2020 ha sugo”

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa fariin u diray musharixiinta sanadkaan tartameyso iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, fariin taasi oo ku wajahay doorashada sanadkaan.

Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in la carqaladeeyo doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka, wuxuuna ku dardaarmay musharixiinta iyo shacabka Soomaaliyeed iney kalsooni muujiyaan.

Musharax walbaa oo tartamaya ayuu sheegay in looga baahan yahay inuu ilaaliyo shuruucda u degsan doorashooyinka iyo dalka, islamarkaana uu ka shaqeeyaa sidii doorasho hagaagsan kaga dhici laheyd Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in musharixiin badan tartamayaan, ugu dambeyntiina uu guuleysan doono musharaxa calafkiisa yahay.

“Doorashada waa tartan, labo ninna kuma soo baxeyso ninkii soo bixi waaya 2020 ha sugo, ileen gari labo nin kama wada qosliso”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Doorashooyin badan oo ka dhacay magaalooyinka caasimadaha u ah maamul goboleedyada ayaa qaarkood waxaa la sheegay in musuq maasuq ahaayeen.