Akhriso: Magacyada iyo Beelaha Xubnaha Aqalka sare ee Koofur-Galbeed

Wararka Maanta

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu doortay sideeda xubnood ee aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matali doona Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Baaralamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta cod u qaadayay musharxiin dhoor ah oo ku tartamayay kamid noqoshada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 54-xubnood.

Xubnaha Aqalka sare kumatalaya maamullka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la doortay waxaa ku jira labo haween ah kuwaa oo kusoo baxay doorashadii ay maanta u galeen in ay kamid noqdaan Xubnaha aqalka sare.

Halkan ka Aqriso Magacada Xubnaha Aqalka sare ku matalaya Koonfur Galbeed Soomaaliya:

1-Cabdikaafi Macalin Xasan (Digil -Garre)

2-Xuseen Cali Xaaji Cabdalla (Dir Biimaal)

3-Zamzam Ibraahim Cali (Digil Jiido)

4-Timiro Maxamed Cali (Mirifle -Boqol Hore)

5-Xuseen Sheekh Maxamuud (Mirifle- Hadamo)

6-Aadan Cabdi Aadan (Mirifle-Leesaan)

7-Ilyaas Cali Xasan (Mirifle- Eelay)

8-Cabdulaahi Cabdi Jabriil (Galeddi)

Tagged

3 thoughts on “Akhriso: Magacyada iyo Beelaha Xubnaha Aqalka sare ee Koofur-Galbeed

Comments are closed.