Doorashada Xildhibaanada Aqalka sare oo kismaayo ka socoto (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaa si Habsami leh usocoto Doorashada Xubanaha Aqalka Sare ee Jubbaland waxaana ku Tartamaaya ilaa 17 Musharax oo doonaya Xubnaha Aqalka sare in ay ka mid Noqdaan, Codeyntii ugu horeysay ee Doorashada waxaa lagu bilaabay Musharax Xasan Faarax Xujaale iyo Musharax Cabdi Max’ed Tarax.

Codeyn Mudo socotay kadib waxaa Xildhibaanada y u Codeeyen Musharax Xasan Faarax Xujaale, Codadka ay kala heleen Labada Musharax : Xasan Faarax Xujaale 42 Cod Cabdi Max’ed Tarax 23 Cod.

Dhanka kale waxaa Kursiga Labaad ku Tartamaayay Musharixiinta kala ah Axmed Xaashi Max’uud iyo Prof: Max’ed Cabdi Gaandi, Codeyn Mudo aan Badneyn socotay Waxaa Guusha ay ku raacday oo Xildhibaanada ay u Codeeyeen Axmed Xaashi Max’uud oo Helay Cod dhan 40 Cod Halka Prof Maxamad Cabdi Gaandi uu helay 26 Cod, Doorashada weli wey socotaa Waxaana Harsan ilaa 6 Xubnood in Xildhibaanada ay usoo Codeeyaan.

dscn9291 dscn9298 dscn9304 dscn9388 dscn9393 dscn9397 dscn9400 dscn9406