Khilaaf Siyaasadeed oo tagaan Degaanka Somalida Itoobiya

Wararka Maanta

Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa Saaka ka taagan xaalad kacsanaan ah ka dib markii ay isku dhaceen Madaxweynaha dowladd degaanka iyo Madaxda sare ee dalka Itoobiya.

Khilaafka ayaa markii hore ka dhex bilowday Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha xisbiga talada dowlad degaanka Haya Axmed Shide, sidoo kalena ah Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, waxaana la isku qabtay Arrimo ku saabsan maamulida degaanka.

Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa maanta inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada, iyadoo magaalada Jigjiga laga soo sheegayo degganaansho la`aan siyaasadeed, kaddib markii madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar shalay labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafa ayaa waxaa xilka madaxtinnimada dowlad degaanka loo doortay 22-kii August sanadkii 2018-kii.