Dhismaha Caasimadda Cusub ee Soomaaliya ( Xog loo qaateen ah)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Dhismaha Caasimadda Cusub ee Soomaaliya (Sinaariyo: Xog loo qaateen ah)

(Xaaladaha aan Caadiga ahayn waxaa looga bixikaraa, Xeelado aan Caadi ahayn) Q: Shariif Cosmaan

Muddo aan sidaas u sii fogeyn ayaan kulannay nin aan saaxiib dhow nahay oo lataliye madaxweyne ahaa, waxa uuna ii sheegay shirar qarsoodi ah oo ku saabsan qorshe dhismo caasimad cusub ee Soomaaliya. Hoosna waxaan ku soo koobayaa warbixintiisii:

Qaybta 1-aad

(Maadaama aan qiyaasayno in qorshe-howleedkaasu weli socdo, qarsoodina yahay, tilmaan mooyee magac ma xusikarno, annagoo qaddarinayna xogta dadka howlahaas ku howllan.) Habeenkaas waxaa shirka goobjoog ka ahaa, marka laga reebo madaxweynaha iyo Madaxwasiireedka oo labaduba shirka Isla-guddoomiye ka ahaa: Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wasiirro ay ka mid-ahaayeen: wasiirka Qorsheynta Qaranka, maaliyadda, arrimaha gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Benadir, laba qof oo ururada bulshada ka socday oo mid ka midihi haweeneey ahayd, iyo laba aqoonyahan oo mashruuca qorsheyntiisa iyo abaabulkiisa u xilsaarnaa.

Sidoo kale waxaa habeenkaas fadhiga lagu martiqaaday laba ganacsatada waaweyn ee reer Muqdisho ka mid ah. Madaxweynihii ayaa shirkii hadalkan ku furay: “Bismillaah, walaalayaa, intiinna caawa fadhiga ku cusub, waxaan idinkugu yeernay mashruuc aan baryahanba soo sulsulineyney, oo xamaasaddiisa iyo xasaasadiisaba leh; waa mashruuca Caasimadda Cusub ee New Mogadisho. Waxaad ogtihiin in caasimaddeenna oo dhowr qarni jir ah, soona martey xilliyo kala duwan sida xilligii isticmaarka ka horreeyay, xilligii isticmaarka, kii Jamhuuryaddii rayadka, xilligii kacaanka, iyo xilligaan kasoo kabashada burburka iyo tasowga ee aan hadda marayno.

Xilliyadaas kala duwan oo dhan Muqdisho marnaba ma lahayn qorshe deegaan oo casri ah (Modern City Planning). Sidoo kale waxaysan lahayn bullaacad ama (drainage), waxaysan lahayn (sewage) ama dib-u-habeynta wasakhda …, iwm.” Wuu sii watay, “Hadaba ayadoo ay intaasu jirto ayaa hadana dagaalkii sokeeye sii burburiyey caasimaddeennna. Taasina waxay keentay in caasimadda soo kabashadeeda iyo soo celinta bilicdeedu gargaar deg-deg ah u baahato sidii qof naftu ka socoto. Sidaas darteed ayaan garannay (ayadoo sababuhu intaas ka badanhihiin) in aan caasimad cusub dhisno.” Intaas ayuu Madaxwaynuhu warkiisii uga baxay. Hadaba maadaama aniga markii iigu horeysey ay ahayd, waxay iila muuqatay in dadka shirka fadhiya qaarna ay arrintu ku cusubtahay qaarna ay horey tareenka u saarnaayeen. Hasa yeeshee dhammaantood waxay ka sinnaayeen xiisaaha iyo yididiiladda ay shirka ka muujinayeen.

Mudda yar ka dibna waxayba u muuqatay in ay dhammaantood arrinta hore iskula ogaayeen. Markii dhammaan qodobadii shirka intii uu ku cusbaa loo soo bandhigay, ayaa waxaa la is weydiiyey habkii dadweynaha loogu soo bandhigilahaa, maadaama arrintu xasaasi noqon karto, loona arki karo arrin caasimadda Muqdisho lagu inqilaabayo. Markaas ka dib ayaa Madaxweynahii iyo Madaxwasiireedkii oo isgarab fadhiyey, si yar dhegta iskugu dhigeen, kadibna Madaxwasiireedkii ayaa tilmaamey labadii aqoonyahan oo fadhiga intiisii kale u sheegay: “Bismillaah, waxaan marka hore rabaa in aan shirka xusuusiyo, anoo inbadanna ku celceliyey kuna cel-celindoona, muhiimadda muqaalka iyo bilicda caasimadda iyo sida ay uga tarjumayso rajada dadkeenna, aragtida dadkeenna, qabka dadkeenna, iyo dareenka dadkeenna. Isla markaasna dhisaalkeedu qayb ka yahay, tafaxaydka aan ugu jirno sidii looga tabkicilahaa tafantoofka iyo tafwareenka maanta nahaysta.” Waa uu sii watay: “Intaas markaan gogoldhiggayga uga baxo, labadan aqoonyahan oo horay loogu xilsaaray soo diyaarinta sida ugu habboon, goorta ugu habboon, iyo meesha ugu habboon oo dhisaalka caasimadda laga fulinayo, ayaa caawana noo soo gudbinaya sida ugu habboon oo mashruucan dadweynaha loogu soo bandhigikaro. Waana arrin la xiriira aqoonta ay u leeyihiin xiriirka bulshada ee ku soo dhawaada.”

Mid ka mid ah labadii aqoonyahan ayaa hadalkii qaatay oo yiri: “Arrinka ugu horreeya inta aannaan barnaamajka soo bandhigin waxaan idinka rabnaa, adinka oo xasaasiyadda shacbiga matalaya in aad su’aalaha aad xasaasiga u aragtaan na weydiisaan annnaguna aan idinkaga Jawaabno.” Mid ka mid ah labadii ganacsato oo meesha lagu casumay ayaa yiri: Su’aal: “Horta ugu horreyn maxaa keenay in loo baahdo caasimad cusub maadaama Xamar ay caasimad lugu qanacsanyahay tahay? Soo ma habbona in kharshka meesha cusub lagu dhisaayo caasimadda la geliyo?”

Jawaab: “Waxaa arintaan dhaliyey arrimo dhowr ah:

1) in loo horseedo loona meel-dayo dhalasho iyo dhaqan-rog togan oo isbedel ku saleysan si loogu horseedo Soomaalida cusub oo ka dhalatay dambaskii burburka dagaalkii sokeeye (post civil war new Somalia). Sidaas darteed ayey u muuqatay in bur-burkii ku dhacay caasimadda ( ilaa hadana basaastiisu aad uga muuqto) uu dadka Soomaaliyeedna saameyn taban ku leeyahay, gudaha iyo dibaddaba.” Waa uu sii watay: “Hadaba si dadka iyo dalkaba loo dabiibo, ayaa waxay mahurto ka dhigtay in caasimadda dib-u-dhis deg-deg ah lagu sameeyo. Laakiin waxaa soo baxdey in caasimadda Muqdisho dib-u-dhiskeeda iyo dayactirkeedo uu waqti dheer qaadanayo. Sababtuna waxay tahay, dhismayaasha Muqdishu 99% waxaa iska leh shacbiga soomaaliyeed oo dibad iyo gudaba ku nool. Xataa haddii ay dowladdu inteeda dhistana, shacbiga muddo dheer ayey ku qaadanyeysaa in ay Xamar wada dhisaan, xataa haddii waqti go’an oo qof waliba gurigiisa ku dhisto loo qabto.

2) Soomaalida Cusub ee loo horseedayo waxay tartan kula jirtaa wadamada Africa oo aan da’ wadaagta nahay, gaar ahaan caasimadaha dariskeenna. Haddii aad u fiirsato caasimadaha waddammadaas, oo aad u qiyaasto caasimaddeenna Muqdisho, waxaad arkaysaa in aan faceenna ka harnay. Hadaba falsafadda gundhigga u ah dhisaalka caasimadda cusubi, waa in si ‘nafsi ahaaneed’ ummaddeena loogu dhiso, islamarkaasna caasimadda cusubi ay gundhig u noqota dhismaha Soomaalida cusub.

3) Qodobka saddexaad oo runtii ah lafta iyo ludda mashruuca aadna xasaasi u ah waxaan ka hadli doonna markiisa iyo meeshiisa. Waxaanna rajaynaynaa in aan hadda lagu mashquulin. Intaas markuu aqoonyahankii yiri ayaa madaxwaynihii si lama filaan ah oo xamaasadi ku jirto u soo dhexgalay: “Walaalayaal, aniga halhayskaygu waa ‘Wixii bilan baa ku bila.’ Waayo waxaan u aragnay in bilicda caasimaddu ay dayactirka iyo dhaqan celinta guud ee bulshada qeyb wayn ka qaadanayso. Marka ay ummadda Soomaaliyeed helaan caasimad bilicsan oo qorsheysan oo ay ku faanikaraan, waxay kor u qaadeysaa macnawiyaadkooda, rajadooda mustaqbalka, iyo kalsoonida ay ku qabaan dadnimadooda, iyo ummadnimadooda, waayo, Wixii bilan baa ku bila.” Markii uu Madaxwaynihii intaas yiri ayaa waxaa loo gudbay su’aalihii ay dadku qabeen oo runtii aad muhiim ahaa, si talantaalli ahna looga kala jawaabayey.

La soco qaybta 2-aad …

Xigasho Dr.Shariff Osman