Agaasime Guuleed Jawaase oo maalintii 3-aad ku xiran Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Agaasimaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowlad goboleedka Galmudug Guuleed Cismaan Jawaase ayaa maalintii 3-aad ku xiran xabsi ku yaala caasimadda Dhuusamareeb, Ciidamada Ahlu sunna ayaa galabtii Talaadada 20/03/2018 xabsiga u taxaabay Mr. Guuleed. lama oga sababta rasmiga ah ee loo xiray agaasimaha.

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan xarigga agaasimaha, Taleefanka Guuleed oo aan wacnay ayaa wali hawada ka maqan, Ahlu sunna ayaa ka dhigtay caasimadda Dhuusamareeb meel xadgudub loogu geysto dhalinyarada iyo siyaasiyiin u taga howlo shaqo.

Guuleed ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon oo muddo la shaqeynayey maamulka Galmudug, waxaana la isweydiinayaa Sababta ay  Madaxda Galmudug uga hadli waayeen xarigga agaasimaha. horey ayaa magaalada dhuusmareeb waxaa loogu xiray agaasimiha warfaafinta Madaxtooyada Galmudug Maxamuud cismaan Beereey kadib markii uu aqriyey dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug. inkastoo markii dambe la soo daayey.

Xarigga Guuleed ayaa ku soo aadaya iyadoo Caasimadda Dhuusamareeb loo joogo mideynta Galmudug iyo Ahlu sunna, waxaana ku sugan dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Dhanka kale Waxaa maalmihii la soo dhaafay la raafayey gaadiidka ay ku xiran tahay taargada Galmudug, iyadoo saraakiisha Ahlu sunna sheegeen in aysan ogoleyn taargada Galmudug, taas badalkeeda ay aqbalayaan taargada Soomaaliya ama midda maamul goboleedka Puntland.

 

 

1 thought on “Agaasime Guuleed Jawaase oo maalintii 3-aad ku xiran Dhuusamareeb

  1. Waxaan ka xumahay ahlu suna ma shabaabaa maxaa dadaka loo xirayaa mida kale heshiisyadii wali waxaa ka dhiman halkeey dadka u furanayaan

Comments are closed.