Beesha Caalamka oo aqbashay codsi ka yimid Guddoomiye Jawaari

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ee uu mooshinka ka yaallo ayaa la sheegay inuu warqad qoraal ah u qoray Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xarunta Xalane,

Qoraalkan ayaa ujeedkiisa ahaa sidii cod bixinta Mooshinka ka yaalla Baarlamaanka loogu qaban lahaa Teendhadii ay ka dhacday Doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee ku yaalla garoonkii Ciidamada Cirka ee Afisyooni, halkaasoo ammaankeeda ay gacanta ku hayaan AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu wali saluugsan yahay Ciidamada ay Xukuumadda geysay xarunta Golaha Shacabka, isla markaana ciidankii horay u joogay laga bedelay, taasoo uu ka cabsi qabo in si dimoqraadiyad ay u dhici weydo.

Warqada codsiga ee Beesha Caalamka u qoray Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inay ka aqbaleen, si loo ilaaliyo dimoqraadiyada, isla markaana ay u dhacdo cod bixinta si xor iyo xalaal ah, isla markaana qarsoodi ah.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa dalbaday in maalinta loo qaadayo codka kalsoonida ay goobjoog ka noqdaan Kormeerayaal caalami ah iyo xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka iyo Culumaa’udiinka.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhowaan aqbalay mooshinka laga keenay, isla markaana halka ay ka dhaceyso dooda mooshinka iyo cod u qaadistiisa ay ka dhacdo meel dhex dhexaad.