Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa la wareegay tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, kaddib howlgalo saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen.
Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidanka DANAB Cismaan Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen illaa 20 dagaalame.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta Tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Balladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buulo Bashiir.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladu ay sii scoon doonaan, isla markaana deegaanada ciidamada la wareegeen la xaqiijin doono amnigooda.
Howlgalkii Ciidanka xoogga dalka ka wadeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa hakad ku yimid, kaddib wixii ka dambeeyay is bedelkii Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee sanadkii la soo dhaafay, waxaana horay Ciidanku la wareegeen deegaano ka tirsan Gob