Maxaa kasoo baxay kulamadii Dhuusamareeb?

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Dhuusamareeb, wasiiro, iyo qeybaha bulshada. Sabriye ayaa intaas kadib loo galbiyey Xarunta Gobolka oo uu kula kulmay Axmed Ducaale Xaaf, iyo Sheekh Maxamed Shaakir. sidoo kale wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Axmed […]

Continue Reading

Ciidamo la kala dhex-dhigayo dhinacyada ku dagaalamay Xeraale

Iyada oo weli ay taagan tahay xiisada u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa la qorsheynayaa in Ciidamo la kala dhigo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay. Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu ciidamo u dirayo deegaanka Xeraale,isla markaana Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaankaas ay […]

Continue Reading

Wasiir Sabriye: ” Doorashada Galmudug waqtigeeda ayey ku dhaceysaa”

Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aaddan doorashooyinka Galmudug. Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka wasaaraddan oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in doorashadaasi ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay ee ah bisha July ee sanadkan. Wuxuu wasiirka sheegay wixii intaa ka horreeya ay ku dedaalayaan sidii loo heshiin lahaa, islamarkaana […]

Continue Reading

Hogoomiye Burcad badeed oo lagu dilay Mudug

Mid ka mid Hogaamiyeyaashii burcad badeeda Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay deegaanka Docol ee degmada Gaalkacyo gobolka Mudug. Ilo ammaan ayaa inoo xaqiijiyey in Maleeshiya kasoo jeeda Koofurta Gaalkacyo ay Maxamed Cabdi Garaad ku dileen halkaas, kadib markii ay kala dageen gaari uu la socday oo ka yimid degmada Hobyo. Dilkan ayaa dhacay xalay saq […]

Continue Reading

Cali Gacal ka Jawaabay Hadalkii Xaaf iyo Sh Shaakir

Maalma ka hor Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug garabka Dhuusamareeb Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir waxaa ay siwadajir ah u sheegeen in aysan dhici doonin wax doorasho ah ilaa ay ka dhamaato xilheynta Madaxweyne xaaf,laga soo bilaabo heshiiskii Jabuuti,waxaana hadalkaas si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Garabka Cadaado. Guddoomiye […]

Continue Reading

(Sawirro) Ole-ole Nadaafadeed oo ka socda Godinlabe.

Ole olahaan lagu Doonayo in lagu soo celiyo Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaan Maanta si Rasmi ah ug bilowday Xaafadda Waabari oo Dadka qaar u yaqaanaan Xafaadda Kaxda. Barnaamijkaan waxaa isku Xilqaamay Ururka Haweenka Godinlabe ee Al-Raxma, waxaana kala qayb qaataan Gudoomiye ku Xigeenka Dagmada C/Salaan Axmed Mire, iyo Ardayda Schoolka […]

Continue Reading

Xildhibaan Difaacay Ciidanka Dowladda Dhexe ee la wareegay Madaxtooyada Cadaado

Xildhibaan Garaad Yuusuf, oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa difaacay ciidamada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) geysay Cadaado iyo Caabud-waaq. Waxa uu sheegay in Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado lagala wareegay Maleeshiya Beeleed, taasina ay ku saxan tahay DFS. “Ciidanka joogay (Cadaado) waxay ahaayeen ciidan aan sax ahayn oo maleeshiya beeleyd ah” ayuu Xildhibaan Garaad ku […]

Continue Reading

Galmudug oo ka hadashay Ciidamo la wareegay Madaxtooyadda Cadaado

Dowlad Goboleedka Galmudug garabka Dhuusamareeb ayaa War ka soo saaray weerar ay ciidamada Danab iyo NISA ay kula wareegeen Xarunta Baarlamaanka  Galmudug ee ku taalla magaalada Cadaado. Agaasimaha Madaxtooyada galmudug Garabka Xaaf Maxamed Cabdi Aaadan oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Gaalkacyo ayaa sheegay in xilligan ay nasiibdarro tahay in iyada oo dowladda Federaalka ay […]

Continue Reading

Xaaf oo Safar Deg Deg ah ugu ambabaxay Nairobi

Madaxweynaha Galmudugta Dhuusamreeb Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho xili uu saakay safar uga soo baxay Magaalada Gaalkacyo Xaaf oo dhowr saacadood ku sugnaa Muqdisho ayaa goordhow u duulay magaalada Nairobi caasimadda Kenya. Xaaf ayaa la filayaa inuu Nairobi kula kulmo Siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug oo isku dayaya dhexdhexaadinta Xaaf iyo Dowladda […]

Continue Reading

Bulshada Cadaado oo si isxilqaan ah ku dhisaya Xerada CXD Qeybta 21aad (Sawirro)

Duleedka Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa ka socda dhismaha xerada Taliska ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 21aad, dhismaha xeradan ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisaya bulshada Cadaado. Maanta ayaa halka dhismuhu ka socdo waxaa booqday Abaanduulaha Qeybta 21aad, Gudoomiyaha Degmada Cadaado, xildhibaano, Saraakiil iyo guddiga howsha wada. Dhismaha xeradan ayaa ka kooban Bakhaarada keydka […]

Continue Reading