Hogoomiye Burcad badeed oo lagu dilay Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Mid ka mid Hogaamiyeyaashii burcad badeeda Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay deegaanka Docol ee degmada Gaalkacyo gobolka Mudug.

Ilo ammaan ayaa inoo xaqiijiyey in Maleeshiya kasoo jeeda Koofurta Gaalkacyo ay Maxamed Cabdi Garaad ku dileen halkaas, kadib markii ay kala dageen gaari uu la socday oo ka yimid degmada Hobyo.

Dilkan ayaa dhacay xalay saq dhexe, lamana xaqiijin sababta loo dilay ninkaan oo dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaala dalka Iiraan.

Garaad ayaa kasoo jeeda deegaanada Puntland, waxaana Ciidaanka Badda Iiraan April 2012 howlgal ku qabteen Garaad, isagoo halkaas ku xirnaa muddo 7 sano ah .

Garaad ayaa ka mid noqday maxaabiistii Soomaaliyeed oo dhawaan dowladda Federaalku kasoo deysay xabsiyada Iiraan.

Garaad ayaa howshiisa burcadbadeednimada dib ugu laabtay isagoo  maalmihii lasoo dhaafay abaabul ka waday inta u dhaxeysa Garacad iyo Hobyo.

Falalka burcad badeeda ayaa hoos u dhacay wixii ka dambeeyey 2012, kadib markii ciidamada shisheeye kordhiyeen howlgalka la dagaalanka Burcad badeedda Soomaaliya.