Axmed Baasto oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa goordhow kusoo dhamaaday doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxaana doorashadan ka dhacday xarunta Kafaalo oo ah halkii lagu yagleelay Galmudug.

Fadhiga Barlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayey Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug, waxaana fadhiyey 62 xildhibaan, doorashadan ayaa waxaa ku loolamay laba musharax oo kala ah Axmed Maxamuud Xassan Baasto iyo Cabdixakiin Cali Guure.

Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, waxaana Madaxweynanimada Galmudug ku guuleystay Axmed Baasto oo helay  52 cod, halka Cabdixakiin helay 8 cod, waxaa halaabay 2 cod.

Waa Madaxweynihii saddexaad oo Galmudug yeelato oo lagu doorto Cadaado ilaa 2015, xiligaas oo Galmudug la aasaasay. Madaxweyne Baasto ayaa balan qaaday inuu Galmudug muddo 8 bilood ah doorasho gaarsiin doono.