Ciidamo la kala dhex-dhigayo dhinacyada ku dagaalamay Xeraale

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Iyada oo weli ay taagan tahay xiisada u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa la qorsheynayaa in Ciidamo la kala dhigo dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu ciidamo u dirayo deegaanka Xeraale,isla markaana Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaankaas ay kala hadleen.

Waxa uu sheegay in laga wada hadlay in deegaanka Xeraale la geeyo Ciidamo isugu jira Boolis iyo Millateri si ay u kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya six al buuxa looga gaaro dagaalkaas.

Wareysi uu siiyey warbaahinta Muqdisho ayuu ku sheegay in ay layaab ku tahay waxa soo cel celiya dagaalka deegaanka Xeraale, hayeeshee Galmudug ay ku dadaaleyso sidii nabada loo soo celin lahaa.

Deegaanka xeraale ayaa waxaa ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana dagaalka uu sidoo kale uu sababay in badi dadkii deganaa deegaanka Xeraale ay barakacaan.