Maxaa ka cusub Galmudug?

Siyaasadda Galmudug oo bilihii ugu dambeeyey fadhiid aheyd, ayaa sidoo kale waxaa is guraya waqtiga doorashada Galmudug oo ah bartamaha sanadkan 2019. Madaxda Dowladda Federaalka ayaanan cadeyn doorkooda siyaasadeed ee ku aadan sida looga gudbayo marxaladan kala guurka ah Galmudug, garabyada Cadaado iyo Dusmareeb ayaa u muuqda in ay isku barbar dhaceen madaama uu dheeraaday […]

Continue Reading

Sanad ka dib Maxaa ka fulay Ballanqaadyadii Farmaajo ee Puntland iyo Galmudug?

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa xaqiijiyay in inta badan aysan hirgalin Ballanqaadyaddii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sameeyay Markii uu booqasho ku tagay degaanada maamulada Puntland iyo Galmudug sanad ka hor. Janaayo, 10. 2018 Madaxweyne  Farmaajo waxaa uu dhax dhigay waddo Laami ah oo isku xirta degaannada Dan-Goronyo iyo Eyl ee […]

Continue Reading

Ticeey” Waa inaan ka Masayrno Puntland

Madaxwaynihii Hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey oo ugu horay Hambalyo u diray Madaxwaynaha Cusub ee Maamulka Puntlanad Saciid Cabdulaahi Dani ayaa sidoo kale iftiimayay Cashar ay ka baran karaan Siyaasiinta Galmudug Hanaanka Maamul iyo Isku Duubni ee ka jirta Degaanada Puntland  Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u dhignaa […]

Continue Reading

(Sawirro) Ciidanka Xooga Dalka oo Xarun Cusub ka Dhagax Dhigtay Cadaado

Munaasabada dhagax dhiga oo lagu qabtey halka laga dhisayo Xarunta cusub ee Taliska Qeybta 21aad taasi oo ka mid noqoneysa Xeryaha Taliska u ah Qeybta waxaa goob joog ka ahaa Taliska Police ka Galmudug, Xildhibaano , Maamulka Dagmada Cadaado iyo Saraakiisha Ciidamada Qeybta 21aad. Taliyaha Qeybta 21aad S/Guuto Yuusuf Cabdilqaadir Maxamed “Kaanti” oo goobta hadal […]

Continue Reading

Banaanbax Ka dhacay Dhuusamareeb

Banaanbax looga soo horjeedo Tacadiyada gaar ahaan kufsiga ka dhaca degaanada Galmudug ayaa maanta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug. Ardayda Iskuullada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda aya qeyb qaatay Banaanbaxa, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin tacadiyadda loo geysto dumarka. Banaanbaxaan ayaa yimid ka dib markii la sheegay in […]

Continue Reading

Bulshada Cadaado oo ku guuleystay Dacyactirka Nalalka Cadceedda ku shaqeeya (Sawirro)

Gudiga Dib u Dayactirka Nalalka Cadceedka ku shaqeeya ee suran laamiga dhexmara magaalada Cadaado ayaa daahfuray dayactirka 40 ka mid ah Baalayaasha Nalalka Cadceeda. Gudoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa daahfuray mashruucan, Gudigan Dayactirka oo ka yimid Bulshada Cadaado ayaa u istaagay dayactirka Nalalkan oo Bataridu ka haleebeen, waxayna muddo wadeen dhaqaale ururin, iyagoo helay […]

Continue Reading

Maamulka G. Banaadir oo 2 Bus Ku wareejiyey Maamulka Gaalkacyo

Maamulka Gobolka Banaadir oo laba gaari Bas ah ku wareejiyay maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug . Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Bare ayaa kala wareegay masuuliyiin Gobolka banaadir labadaasi gaari oo loogu tala galay in shacabka loogu adeego. Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ayaa mudooyinki dambe waday dadaalo xoogan oo lagu hormarinayo degmada Gaalkacyo. Maamulka Gobol Banaadir […]

Continue Reading

Taliyaha Cusub Qeybta 21aad oo soo gaaray Cadaado (Sawirro)

Taliyaha Cusub ee Qeybta 21aad xoogga dalka Soomaaliya S/Guuto Yuusuf Maxamed “Kaanti” ayaa maanta soo gaaray magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug. Taliye Yuusuf Kaanti ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayey  Taliyihii xilka laga qaadey Gen. Claahi Aadan Xuseen ” Cirro” . garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa waxaa Taliyaha ku soo dhaweeyey Saraakiisha Qaybta 21aad iyo Askar, waxaana  intaa […]

Continue Reading

Wasiir Sabriye oo gaaray Magaalada Cabudwaaq (Sawirro)

Wafdi ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uuna hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamuud Sabriye  ayaa maanta gaaray magaalada Cabudwaaq waqooyiga gobolka Galgaduud. Masuuliyiintaan ayaa waxaa safarkooda ku wehlinaya wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Qoorqoor, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdikariin Khaliif, Taliyihii hore xoogga dalka Gen. Gorod Iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. […]

Continue Reading

Xildhibaan Odawaa oo lagu soo dhaweeyey Gaalkacyo (Sawirro)

Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxaa lagu soo dhaweeyey wafdi uu hogaaminayey wasiirkii hore Arimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa. Wafdigan ayaa saaka kasoo kicitimay magaalada Cadaado xarunta Baarlamaanka Galmudug, Masuuliyiinta iyo qeybaha Bulshada ayaa xildhibaanka kusoo dhaweeyey duleedka Gaalkacyo. Xildhibaan oo la hadlay bulshadii soo dhaweysay ayaa sheegay in uu yimid inuu […]

Continue Reading