(Sawirro) Ole-ole Nadaafadeed oo ka socda Godinlabe.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ole olahaan lagu Doonayo in lagu soo celiyo Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaan Maanta si Rasmi ah ug bilowday Xaafadda Waabari oo Dadka qaar u yaqaanaan Xafaadda Kaxda. Barnaamijkaan waxaa isku Xilqaamay Ururka Haweenka Godinlabe ee Al-Raxma, waxaana kala qayb qaataan Gudoomiye ku Xigeenka Dagmada C/Salaan Axmed Mire, iyo Ardayda Schoolka Dayax.

Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Godinlabe ayaa Ururka Haweenka uga Mahadceliyay Didaalkooda ku aadan ka shaqaynta Nadaafadda Magaalada, taas oo Badbaado u ah Dadka Degaanka, Madaama qashinku keeno Cuduro Dilaa ah, Ola olahaan oo la filayo in Dhamaan Xaafada Magaalada laga sameeyo ayaa Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada iyo Ururka Haweenku isla garteen in Maanta la bilaawo Kadib Kulan ay Shalay oo 8 Maarso oo ah Maalinta Haweenka Aduunka yeesheen

Hoos ka Daawo Sawirrada.