Madaxweynaha Galmudugta Dhuusamreeb Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho xili uu saakay safar uga soo baxay Magaalada Gaalkacyo
Xaaf oo dhowr saacadood ku sugnaa Muqdisho ayaa goordhow u duulay magaalada Nairobi caasimadda Kenya.
Xaaf ayaa la filayaa inuu Nairobi kula kulmo Siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug oo isku dayaya dhexdhexaadinta Xaaf iyo Dowladda Dhexe.
Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa soo jiitamayey tan iyo September 2017. Waxaana sidoo kale khilaaf ka dhashay hirgelinta heshiis jabuuti keentay in maamulku u kala laba garab oo kala jooga Cadaado iyo Dusmareeb.
Kala soco Ceelhuur.com wixii kusoo kordha warkaan