Burcadbadeed Weerartay Markab Xamuul ah

Wararka Maanta

Ciidamada Midowga Europe ee jooga Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in shalay  kooxo burcad Badeed Soomaali ah ay weerar ku qaadeen  Markab Kiimiko wada oo ku sii jeeday Dalka Koofur Afrika.

Markabka ayaa waxaa uu ka baxay Magaalada Magaalada Ohaar ee dalka Cumaan,halkaas oo uu kiimikada ka qaaday una socday Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika.

Weerarka ayaa ka dhacay meel 160NM (Niyuutikaal Maayl) u jjirta biyaha Soomaaliya,waxaana kooxda weerarka qaadday oo watay labo Doon ay isku dayeen in ay Markabka gudaha u galaan.

Kaddib 20 Daqiiqo ay socotay Rasaas ay iswadaagsanayeen Ilaalada Markab iyo Kooxda Burcad Badeedda,waxaa ay Kooxdii weerarka qaadday ku carareen doomihii ay wateen iyaga oo dhinaca Xeebaha Soomaaliya aaday.

Weerarkan waxaa uu dhacay Shalay oo Jimco ahayd,waxaana weerarkan uu noqonayaa falkii ugu horreeyay ee Bishan February laga wariyay xeebaha Soomaaliya.

Xigasho: Radio Mustaqbal