Maxaa kasoo baxay kulamadii Dhuusamareeb?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Dhuusamareeb, wasiiro, iyo qeybaha bulshada.

Sabriye ayaa intaas kadib loo galbiyey Xarunta Gobolka oo uu kula kulmay Axmed Ducaale Xaaf, iyo Sheekh Maxamed Shaakir. sidoo kale wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Axmed Ducaale Xaaf.

Wasiirka ayaa Madaxdii uu la kulmay u gudbiyey fariin kuu waday Madaxda sare ee Dowladda Dhexe, fariintaas oo aheyd in Galmudug ay doorasho gasho bisha July 2019.  ilo ku dhow Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa inoo xaqiijiyey in ay Xaaf iyo Shaakir ka biyo diideen soojeedintii wasiirka.

Sidoo kale Wasiir Sabriye ayaa kulan 4 saacadood qaatay la yeeshay Hogaamiyaha Ahlu sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, kulankan ayaa ka dhacay guriga Macalin Maxamuud, waana kulankii ugu waqtiga dheeraa, waxaana saraakiil ku dhow inoo sheegeen inuu  kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Intaas kadib wasiirka ayaa 6:00 maqribnimo loo galibiyey guriga uu ka dagay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana suurtagal ah in kulamo kale Caawo ay isugu soo laabtaan labada dhinac. Sidoo kale Wasiir Sabriye ayaa isku dayaya in meel dhexe la isugu yimaado.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa qorshihiisa ku jirtay inuu tago Degmada Xeraale oo dhawaan dagaal ka dhacay, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxda Ahlu sunna ay ka biyo diideen in Wasiirku booqdo Xeraale.

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaan la saadaalin karin halka uu ku dhamaan doono, waxaana Madaxda Galmudug Dhuusamareeb doonayaan muddo kororsi, halka Dowladda Dhexe iyo Garabka Cadaado ay doonayaan in bisha July 2019 doorasho barlamaan iyo Madaxweyne la qabto.