Zinedine Zidane Oo Jeclaan Lahaa Gareth Bale In Uusan U Ciyaarin Wales

Ciyaaraha

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu Gareth Bale  ka qeyb qaadan kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee Wales dheelayaan Isbuuca soo aadan.

Bale ayaa dhaawac kubka ah kasoo gaaray kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Borussia Dortmund Isbuucii lasoo dhaafay, waxaana laga saaray kooxda Los Blancos ee la ciyaaraysay Espanyol Axadii.

Bale ayaa imaday tababarka Wales ee Vale Glamorgan HQ subaxnimadii Isniinta, lakiin waxa uu tababarka qaatay ciyaartoyda intooda kale.

Isagoo hadlayay saxaafada ka dib markii kooxdiisa ay 2-0 kaga badisay Espanyol, Zidane ayaa ku booriyay Dragons in ay xalliyaan dhibaatada dhaawaca 28-sano jirka ah.

“Gareth waxa uu raaci doonaa xulka qaranka,” ayuu u sheegay wariyaasha. “Ma uusan ciyaarin, lakiin waxa uu weli ku jiraa arrin waxoogaa ah waxaana dooneynaa inuusan ciyaarin.”

Wales ayaa wajaheysa Georgia ee Tbilisi Jimcaha, ka hor inta aysan marti galin Jamhuuriyadda Ireland seddex maalmood ka dib ciyaaraha isreebreebka.

W/Q Hafsa haji