Steven Gerrard: ‘Mohamed Salah waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika ee Premier League’

Ciyaaraha

Halyeeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa ku tilmaamay Mohamed Salah ciyaaryahanka ugu fiican Afrika ee abid ka ciyaara Premier League.

Salah ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii labaad ee England xilli ciyaareedkaan, taasoo keentay  inuu 24 gool dhaliyay.

Weeraryahankii hore ee Chelsea ayaa ku hogaamiyay Liverpool booska seddexaadee horyaalka, iyadoo kooxda Jurgen Klopp ay dooneyso inay ksoo muuqato Champions League xilli ciyaareedkii labaad.

Markii la weydiiyay haddii Salah uu yahay ciyaaryahanka ugu weyn Afrika ee taariikhda Premier League, Gerrard ayaa u sheegay BT Sport: “Waa wax adag, haa, xaqiiqdii.

“Waxaan u maleynayaa inaad sugeyso si aad u aragto sida uu u dhameysto xilli ciyaareedka, laakiin hadii uu sii wato inuu goolal dhaliyo islamarkaana uu sameeyo rikoor, markaas waa inaad dhahdaa haa.”

Salah, oo markii ugu horeysay  Premier League wuxuu yimid Chelsea sanadkii2013, ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka  Afrika ee sanadkaan.