Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay qodobo uga qabsoomay Khilaafkii Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaan Mahad Maxame Salaad oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya kana mid ahaa Mudanayaashii Caadaado u gaaray Xal u helida Khilaaf siyaasadeed ee Galmudug ayaa hadlay wax yaabihii uga qabsoomay howshii ay Cadaado u tageen Xildhibaanka oo si kooban uga hadlay qodobo uu sheegay inay ku guulaysteen ayaa yiri.

Mudo lix beri ah oo aan ku sugnayn magaalada Cadaado ee xarunta kmg ah maamulka Galmudug, maanta ayaan dib ugu soo laabanay magaalada Mogadishu. Mudadii aan kuĀ sugneyn magaalada Cadaado waxaan ku guuleysanay:

1. In aan ciidamadii maleeshiyaadka ahaa iyo gaadiidkoodii magaalada ku sugnaa ka saarno, kuna celino deegaamadii ay ka kala yimaadeen.

2. Waxaan isla garanay madaxda Galmudug inla joojiyo abaabulada siyaasadeed ee iska soo horjeeda inta xal siyaasadeed laga gaarayo ismaandhaafka u dhaxeeya.

3. Waxaan sidoo kale ku balanay inaan dowlada federaalka ah kala hadli doona inay joojiso faragelinta ay ku heyso maamulka Galmudug.

Ugu danbayntii Xildhibaan Mahad oo laga soo doortay Deegaanada GalmudugĀ  ayaa sheegy in ay u mahadcelineynaa shacabka reer Galmudug dal iyo dibadba taageeradii aan kala harka lahayn la garab istaageen mudadii aan ku sugnayn deegaanada Galmudug.

Marka laga soo tago Hadalka Xildhibaan Mahad Xildhibaanadii tagay Cadaado ayaa soo laabtay ayadoo ay wili taagan tahay Xiisadii Siyaasadeed ee Madaxda Sare ee Galmudug waxaa mudadii ay joogeen Cadaado Baarlamaanka Galmudug Xilalka Ka qaadeen Madaxwayne Ku xigeenkii iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug