Yaa Ka Dambeeya Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheysan ee Soomaaliya Ka Socda?

Wararka Maanta

Marka hore waxaan tacsi u dirayaa intii ku dhimatay qaraxii weynaa ee shalay, February 19, 2017,  ka dhacay Muqdisho.  Intii dhimatay Ilaahey ha u naxriisto.  Intii dhaawacantay Ilaahey ha dhayo.
Shareecada Islaamka way xarimtay in qof dhiigiisa la baneysto oo xaq daro lugu dilo.  Ilaahey wuxuu quraanka ku yiray, suuradda Nisaa, Aayadda 93aad:

” وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا (93)

Micnaha: ” Qofkii dila qof mu’min ah si kas ah wuxuu Ilaahey gelinayaa naarta Jahanama oo uu ku waarayo, Ilaahey wuu u caroonaya, wuuna lacnadayaa, wuxuuna u diyaariyey cadaab aad u weyn”.  Suuradda Furqaan, aayadda 68aad, wuxuu Ilaahey ku yiray: ” : ولا يقتلون النفس التي حرم الله إلا بالحق ……..  الفرقان 67 – 70 )  Micnaha: ” sifaatka Muslimiinta waxaa ka mid ah inayan naf insaan ku dilin si xaq daro ah…………………”.

Dhibaatada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Soomaaliya ilaa iyo hadda lagama sameynin baaris iyo daraasaad madax banaan si loo ogaado cidda ka dambeyso iyo inay Alshabaab keliya ay ku kooban tahay ama dowlada kale ay la shaqeynayaan?   Ma jiraan Ilaa iyo hadda hay’ad madax banaan oo ay dowladahii hore addeegsadeen ama hay’adaha baarista ee dowladda ee xirfadeysan oo si dhameystiran oo hufan u baaray dhacdooyinkii hore oo dhan si loo helo xog dhameystiran ee la xiriira qaraxyo ama dilalka qorsheysan ee aan joogsan oo u badan magaalada Muqdisho oo keliya.   Haddii la helo xog dhameystiran oo hufan oo aan la siyaaseyn waxaa lagu dul dhisi karaan go’aan abuuri kara howl gal natiijo sax ah ka soo baxda.  Sidaa darteeda, way adag tahay in xal qaraxyadaasi loo helo iyadoo ay jiraan laba arimood.  Labadaasi arimood waxay ka mid yihiin waxyaalaha ay ku naaxaan dhibaatada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ka jiro.
Labadaasi arimood waxay kala yihiin:

1. Fara gelinta shisheeyaha ee danaha gaarka leh

2. Nidaamka qabyaaladda iyo eexda ee 4.5 ku dhisan
1.Faragelinta Shisheeyaha ee Danaha Gaarka ah leh
Magaalada Muqdishu waxaa joogo in ka badan 20 kun oo ciidan, marka laysku daro cidamada Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeyaha oo aan ku jirin cidamada shisheeye ee jooga gobolada.

Waxaa kaloo joogo in ka badan 5 kooxood oo sirdoon ah oo laga leeyahay waddamada shisheeye iyo kuwa dariska oo kala leh ujeedooyinka iska horimaanayo ama kala duwan taasoo aad u adkeynayso inuu xiriir wada shaqeynka oo daacadnimo uu ka wada dhaxeyn karo.   Sidee ku dhacday in muddo 10 sano ku dhowaad ah iyagoo ay joogaan intaasoo ciidamo ah iyo sirdoonkooda oo aad u tababaran inuu kala joogsan la’ yahay qaraxyada ka dhacaya Muqdisho ee shacbiga masaakiinta ay intooda badan dhibanayaasha ay yihiin.   Taasi waxay caddeyneysaa inuu jiro fashal ay dhamaan cidamadaasi ku fashilmeen inay Ilaaliyaan nabadda dalka, tan shacabka iyo tan dowladdaba.

Tani waxay keeneysaa in dowladda Farmaajo uu madaxda ka yahay ee Soomaaliya maadaama ay tahay dowladda rasmi ah ee madax banaan inay baarlamaanka waydiisato inay muraajaceeyaan go’aamada joogista cidamadan fashilmay si loogu bedelo cidamo kale sida cidamada dowladda Turkiga oo heshiis cusub lala galo oo Soomaali weyn la talo geliyey.

Waxaa soo baxeyso in cidamada hadda joogo aysan rabin xaaladda nabad la’aan Soomaaliya inay isbedesho labo sabab darteeda.

1. Haddii Soomaaliya ay nabad iyo qarax la’aan noqoto waxaa ka go’ayo masaariifta dhaqaale ee ay ku helaan mashruuca argagixiso la dirirka ee Soomaaliya oo ah mashruuca siyaasadeed iyo mid ganacsi oo ay ku taajireen askar badan oo masaakiin aheyd iyo dowlado masaakiin ahaa iyadoo aan la tixgelin dhiigga shacabka Soomaaliyeed.  Askariga AMISOM wuxuu qaataa $1200 dollar Maraykanka halka askariga Soomaaliya uu qaato $100 ama $200 oo aan la siin bil weliba.

2. Waddamada dariska marnaba ma rabaan inay arkaan Soomaali oo nabad ah oo lugaheeda isku taagtay oo awood yeelatay waayo taasi waxay ka soo horjeeda danahooda siyaasadeed ay Soomaaliya ka leeyihiin.

Mashruuca la dagaalanka argagixisada waa mashruuca siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo aan dhamaad laheyn oo fashilmay.  Dowladahii Soomaaliyeed ee horeeyey ee ku shaqeeyey way wada fashalmeen.   Waayo waxay ka tanaasuleen qeyb ka mid ah madaxbanaanida Soomaaliye.  Fadlan ku cibra qaado waxa hadda ka socda: Afganistaan, Ciraaq iyo Siiriya.

2. Nidaam Qabyaalada 4.5 wuxuu qarayaa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan:

Nabiga NNK wuxuu xadiis ku yiray(micnaha):” qabyaalad iyo eexda ka taga waa quranee”.  Qof ama dadka ay qabyaaladda ka buuxdo ma rabaan in adeerkooda dambiilaha ah ama eedeysane ah inuu jeel galo ama in la dilo.  Qoys ayaa laga soo wariyey inuu u yimid nin ka mid ah qolyaha is qarxiya.  Qoyska halka ay ka wici lahaayeen cidamada amniga waayo wuxuu wiilkooda u shageeyey inuu dambiga is qarxinta u gacanta kula jiro, waxay wiilkooda ku yiraahdeen naga taga meel aad ku baxsato raadso.   Waa kaa cudurka qabaliga ee khatar ku ah nabadda dalka iyo dadka.

Shirkii culumada ee Sebtember 2013, ee aan ka qeyb galay ee ka dhacay Muqdisho, wuxuu madaxweynahii hore ee Xasan Sheikh Maxamuud noo sheegay inuu ka shaqeyn la’ yahay xildhibaanada qaarkood oo marka hal qof oo Alshabaab la soo xiro ay u dacwoonayaa in la soo daayo.  Waxaa u dacwoonayo ma ahan xildhibaan qoyska oo keliya ee nidaamka qabyaaladda ku yimid, xitaa Kaaba ama ugaaska qabiilka wiilka Al shabaab uu ka dhashay ayaa garab taagan in la soo daayo.

Sidaa darteeda, nidaamka qabyaaladeed mar haddii uu noqday nidaam dowladeed wuxuu nidaamkaasi ilaalinay qof dhibka ama kooxda ummadda gumaadeysa ee usbuuca kasta wax laynaya meeshaa ay sugi lahaayeen amniga shacabka iyo kan dowladda.

Talo oo ku socoto Shacabka, Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladdiisa Cusub:

1. Shacabka waxaa waajib ku ah inay la shaqeeyaan madaxweynaha oo ay joojiyaa nidaamka qabyaaladda ee qariya ruux daalimka ah kooxduu doono ha ku jiree. Madaxweyne Farmaajo waa inuu kasbadaa shacabka oo uu muujiyaa dadaal la taaban karo oo  inuu nabadooda iyo danahooda caamka uu ka shaqeynayo si ay kalsooni buuxda u siiyaan.

2. Waa in nidaamka dowladda oo dhan isbedel (reform) lagu sameeyaa oo laga bedelaa qaabka 4.5 ee qabyaaladda ku salaysan qaabkaasi oo sahla inay qaraxyada iyo dagaalada ay sii socdaan.  Madaxweyne Farmaajo keliya dowladda Soomaaliya ma ahan ee waa in la helaa team ama koox hal hal loo soo baaray oo laga baaray:

a. Diintooda iyo akhlaaqdooda

b. Waddaniyadooda

c. Taariikhdooda waxqabad iyo howlkarnim.  oo aan lagu soo xulin dowladda nin jecleysi iyo qabyaalad 4.5 ama kooxeysi  bal lagu so xusho yaa AAMIN AH OO HOWSHAN SI DAACADNIMO U QABAN KARO OO SHISHEEYE AAN KU XIRNEYN OO DAN SOOMAALI KELIYA U TAAGAN.

3. Madaxweyne Farmaajo ha ka fogaado inuu ku biiro mashruuca argagixiso la dirirka ee caalamigga waayo waa mashruuc fashilmay oo dhan siyaasad iyo ganacsi ka ah dhan kalana diinta Islaamka lagula dagaalamaayo. Tusaale ahaan: Dowladda Maraykanka oo mashruucaasi hogaamisa waxay aaminsantahay oo wasiirka hore amniga General Flynn lagu xushay naceybka uu Islaamka u qabo ka dib markuu si cad u dhahay diinta Islaamka waa Kansar ay qasab tahay in xididdada loo siibo.  Wasiirka difaaca ama militariga ee hadda jira wuxuu aaminsanay In toogashada Muslimiinta iyo shimbiraha aan farqi badan u dhaxeyn.   Waa mashruuca madaxweyne kasta ee horeeyey ee qeyb ka noqday ku fashilmay inuu waddanka nabad u keeno.

4. Ashabaab: Dowladda Maraykanka waxay heshiis wada hadal hoose la gashay Taliban oo ugu jirta liiska argagixisada.  Dowladda Yuhuuda waxay wada hadal la furtay Xamaas oo ugu jirta liiska argagixisada.  Maxaa diidaya Soomaaliya oo ah dowlad madax banaan in heshiis wada hadal la gasho Alshabaab si loo baajiyo dhiiga labada dhinac.  Dowladda waa inay diyaarisaa culumo, khubaro Soomaali keliya ah iyo aqoon yahano iyo waxgarad waddaniyiin ah oo Ilaahey ka cabsanayaa oo ay san dan dhaqaale iyo mid qabiil aan wadan laakiin loo soo xulay  in Al shabaab dood cilmiyeysan la gasho sida uu sameeyey Amiir Cali bin Abi Talib markuu Imam Ibnu Cabaas u diray 6 kun oo cidamada Khawaarijta ee ka soo horjeeday dowladda Cali.  Wuxuu Imaam Ibnu Cabaas ku guuleystay inuu soo celiyo 3 meelood hal oo ah (2000) oo dhalinyaro ah oo hubeysan oo uu naftoodi badbaadiyey markuu la sameeyey dood cilmeysan oo qancin wadatay.  Ilaa iyo hadda ma jiro madaxweyne ku dhiiraday inuu modelka Ibnu cabaas uu qaato oo ah Model Islaami ah intii goor weliba lala tashan lahaa dhinacyo dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka leh dalka Soomaaliya.   Markay Soomaliya iyada keliya isku tashato oo ay baabi’so nidaamka qabyaaladda waa la ogaan doonaa cidda ka dambeysa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Soomaaliya ka jira.

Imam/Dr. Hassan A. Mohamud (Jaamici)

Imam/Director of Minnesota Dawah Institute