Askar Mareykan ah oo lagu dilay Weerarkii Lamu

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Bayaan kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika AFRICOM ayaa lagu sheegay in 3 Askari lagu dilay weerarkii kooxda Alshabaab Axaddii 5 Janaayo 2020 ku qaadeen Saldhiga Camp Simba oo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin deegaanka Lamu gudaha Kenya. Sidoo kale weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 Askari oo Maraykan ah sida Bayaanka lagu xusay.

Weerarka oo ku bilowday gaari ismiidaamin ah, ayaa dhacay 5:30 Aroortii, waxaana xeradan gudaha u galay koox dagaalamayaal ah.

Dhanka kale Warbaahinta taageerta ururka Alshabaab ayaa lagu baahiyey sawirada diyaarado ku burburay gudaha xerada la weeraray, tirada diyaaradaha ku waxyeeloobay halkaas ayaa lagu sheegay 6 diyaaradood.