428,000 oo laga lunsaday Qasnadda Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warqad 18/12/2019 kasoo baxday Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa lagu codsaday in la hakiyo habka qarash bixinta Dowlad Goboleedka Galmudug marka laga reebo mushaarad Shaqaalaha Rayidka iyo qarashaadka ku baxa Raashinka Ciidamadda.

Warqaddan ayaa soo baxday kadib markii la ogaaday in Qasnadda wasaaradda maaliyadda Galmudug lagala baxay 428,000 dollar.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa muddo saddex todobaad ku xiranaa magaalada Garoowe, inkastoo dhawaan la sii daayey, Sarkaalkan ayaa loo heystay inuu la baxsaday lacag 120,000 dollar ah, halka xafiiska Madaxweyne Xaaf lagu eedeeyey inuu lunsaday 308,000 dollar.

Aragtidaada ka dhiibo