Xogtii ugu dambeysay ee Loolanka Siyaasadda Galmduug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Deegaanada Galmudug ayaa laga dareemaya xaalad fadhiid siyaasadeed, waxaana inta badan istaagay dhaqdhaqaaqyada siyaasadda la xariira, Madaxda Galmudug ayaa muddo bil ka badan ku sugan Magaalada Muqdisho. iyadoo Madaxda dowladda federaalku isku dayayaan dhameynta khilaafka Madaxda Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar uu la qaatay Macalin Maxamuud oo ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna isla meel dhigeen in Madaxda Dowladda Federaalku taageeraan Sida Ahlu sunna iyo Madaxweyne Xaaf wax u rabaan, oo ah in Maamulka Galmudug iyaga looga dambeeyo, sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa u  balan qaaday Farmaajo in doorashada 2020ka xildhibaanada kasoo baxaya Galmudug ay Madaxda Federaalku soo xulaan.

Madaxweyne Farmaajo oo arintaan la dhacsan ayaa intaas kadib u yeeray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal, isagoo ku amray in ay raacaan Xaaf, ayna wada tagaan Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug. iyadoo daaqada laga tuuray qodobadii ay wateen Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal.

Maxamed Xaashi iyo Axmed Xaaf ayaa maalin kadib wada qadeeyey, inkastoo Cali Gacal uusan ka qeybgalin qadaas, sidoo kale Cali Gacal ayaa u muuqda nin feejigan oo iska ilaalinaya inuu si sahlan ku tago Dusmareeb oo kol hore si dirqi ah uga soo fakaday.

Dhanka kale inta badan Xildhibaanada iyo Senator-da laga soo doortay Galmudug ayaa gaashaanka u daruuray arinta uu wado Madaxweyne Farmaajo, iyagoo u arka in xalka Galmudug ku jiro in dhiraandhirin lagu sameeyo qodobada la isku hayo, Dastuurka iyo awood qeybsiga beelaha Galmudug loo laabto, taas oo ay u arkaan miisaanka wax lagu daweyn karo.

Galmudug ayaa u muuqata mid gali doonta hardan u dhaxeeyo Villa Somalia iyo Xildhibaanada Federaalka hadii aan wax isbadalin, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa arinta Galmudug u arka fursad uu markale hoggaan ugu soo laaban karo Doorashada Soo socota.

Galmudug ayaa horey dhibane ugu noqotay inuu marka kale xilka kusoo laabto Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo Madaxweynihii Galmudug ee xiligaas Cabdikariin Guuleed oo waqtigiisa ugu badan galiyey doorashadii 2016, sidoo kale hadana waxaa muuqata in isla wadadii la hayo, taas oo ka dhigan in Madaxda Galmudug ay kaliya meesha u joogaan sidii ay u dhisi lahaayeen Madax aan la hubin in ay soo laabanayaan.