Faafaahin dagaal kooban oo ka dhacay duleedka Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa dagan xaaladda goobihii ay galabta ku dagaalameen ciidamada Maamulka Galmudug iyo maaliyeeshiyo uu horkacayey Cabdulqaadir Afweyne, dagaalka ayaa ka dhacay meel 5km waqooyi kaga beegan Magaalada Cadaado.

Meel u dhow Barta dagaalku ka dhacay ayaa waxaa kontorool ku lahaa ciidamada Booliska, waxaana goob u dhow dagay Maleeshiyada ina Afweyne, iyadoo maleeshiyadu bilaabeen in ay lacag sharci darro ah ka qaadaan gaadiidka isticmaalayey wadadaas.

Ciidamada Booliska iyo NISA ayaa weerar ku qaaday goobta, kadib markii ay Maleeshiyadu diideen in ay baneeyey goobta, waxaana halkaas ka dhashay dagaal khasaare dhaliyey, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4 qof oo labada dhinac ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 18 kale, dhaawaca ayaa waxaa ku jira dad shacab oo guryahoodu xabadu ugu tagtay.

Isbitaalka guud ee Cadaado ayaa la geeyey dhammaan dhaawacyada, waxaana shacabka Cadaado bilaabeen banaanbax ay ugu soo horjeedeen dagaalkan, dadka ayaa ku baaqay in xabadda la joojiyo, waxaana socota waan waan ay wadaan waxgaradka magaalada.