Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo doraad lagu doortey Magaaladda Cadaado ayaa markiiba ka dhabeeyey Balan qaadkiisii ka dib markii uu IIsbitaalka Degmadda Cadaado shalay gaarsiiyey Deeq Dawo ah oo isbitaalka uu aad ugu baahnaa
Maamulka iyo Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa u Mahadceliyey Xildhibaan Saabir oo sheegey in uu yahay Xildhibaan ku dayasho mudan.
“Tani waa Bilow waxaana Deeqadaan Daawada ah ugu tala galey in lagula Tacaalo dadkeyga Dhibaateysan mana noqon doonto tii koowaad Ilaah idiinkiis waa sii socon doontaa “sidaa waxaa yiri Xildhibaan Saabir oo noqdey Xildhibaankii ugu horeeyey ee Deeq gaarsiiyey dadkiisa tani markii ay bilowdeen Doorashooyinka Xildhibaanimo ee Aqalka Sare iyo Aqal Hoose
Shacabka GalMudaug gaar ahaan kuwa degen Degmadda Cadaado ayaa soo dhaweeyey deeqdaan Daawada aha ee uu Xildhibaan Saabir gaarsiiyey Isbitaalka Degmadda Cadaado,waxayna Xildhibaanada kale ugu baaqeen in ay gacan ka geuysteen wax uqabashada dadkooda dhibaateysan.