Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Saddex wado Magaalada Cadaado (Sawirro)

Hormarka Dalka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Dagmada Cadaado Cabdulaahi Cabdiraxmaan xuseen Tootole  ayaa Maanta Cadaado si wada jir ah uga  dhax dhigay 3 wado  oo jaay ah kaasi oo ah wajigii labaad ee mashruuxa tababar wadaag.

Gudoomiyaha Dagmada Cadaado Cabdulaahi Cabdi Raxmaan Xuseen Tootoole ayaa sheegay in Mashruuca uu yahay kii labaad aay ka faa’iideysanayaan ka Dagma ahaan xili uu sheegay in aay horay kaka faa iideesteen mashruuca balaarinta isbitaalka guud ee degmada Cadaado

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Cabdi ayaa Bulshada Galmudug ku Bogaadiyay sii Xoojinta amniga si loogu sii talaabsado Hormar kan  ka sii balaaran waxaa uuna sidookale sheegay in 4 dagmo oo kamid ah Galmudug uu ka soconayo Mashruuca tabarwadaag.
Sanadkaan sii dhamaanaya waxaa Magaalada Cadaado laga hirgaliyay ilaa  7 wado oo jaay ah oo qaar kood hada aay socdaan dhismahooda.
Wadooyinka jayga ah ee laga hirgaloyey Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka faa’day bulshada, waxaaana sarakac ku yimid qiimaha dhulka la kala siisto, taas oo horey aysan u qiimeyn jirin bulshada.
11 10 9 6 5 4 3 2-1