Warbaahinta Caalamka ayaa baahisay Warbixino kala duwan oo ay kaga hadlaayaan Weeraradda Daacish ay ka fuliso Gudaha Soomaaliya.
Wargeyska Long War Journal ayaa shaaciyay Warbixin uu kaga hadlaayo in bilihii lasoo dhaafay ay kordheen Weerarada Daacish ay ka fuliyaan Gudaha Soomaaliya.
Dilalka qorsheysan ee Daacish ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho gudaheeda iyo deegaanada ku dhaw ayaa si aad ah u kordhay Bilihii lasoo dhaafay.
Wakaaladda Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay in ciidan u daacad ah Daacish ay 15kii April,ay Degmada Afgooye ku dileen sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya, todobaad kaddib waxaa ay baahisay dilka sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho, afar maalmood kaddib haddana waxa ay baahisay dilka sarkaal kale oo ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya.
Wakaaladda Wararka ee Daacish ayaa sheegtay Sanadkaan 2018 Daacish ay Magaalada Muqdisho ka fuliyeen 13 weerar oo lagu beegsaday askar Boolis ah iyo kuwa Nabad Suggid ah.
Tilaabaddan Cusub ayaa muujinaysa in Daacish ay ku xoogeysanayso Koonfurta Soomaaliya, waxaana horay loogu yaqaanay Kooxda Daacish Weeraradda ay ka fuliyaan degaanada maamulka Puntland.