Wasiirkii hore Arimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Baxdo gobolka Galgaduud.
Xildhibaanka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey gudoomiyaha degmada Cadaado iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa daah furay dhowr mashruuc:
- Dhagax dhigga Dhismaha 4 qol oo lagu kordhinayo Dugsiga Baxdo, Dhismahan ayaa waxaa si wadajir ah qarashkooda u bixinaya afarta xildhibaan ee laga soo doorto Cadaado (Senator Bukhaari, Xildhibaan Saabir, Xildhibaan Abtidoon yare, iyo Xildhibaan Odawaa).
-
Dhagax dhigga dhismaha xarunta degmada, Xildhibaan Odawaa iyo Gudoomiyaha degmada Cadaado ayaa ku deeqay 200 kiish shamiito ah.
-
Xarig jarka Solar System lagu kordhiyey Ceelka Baxdo.
-
Xarigjarka ceelka tuulada Balliguuleed oo hoostagta Degmada Baxdo.
-
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa 100 kartoon oo daawo ah iyo 5 sariirood ugu deeqay isbitaalka Baxdo.