Madaxweynaha Hirshabeelle oo kala diray Maamulkii Gobalka Hiiraan.

Wararka Maanta

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday Mas’uuliyiintii Maamulka Gobalka ee Maamulkaasi waxaana loo magacaabay Mas’uuliyiin kale.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Gudoomiye Ku Xigeynka Dhinaca Amniga Axmed Inji iyo qaar kale oo xubnaha Maamulka ka mid ah.

lama oga ilaa hadda Sababta keentay Xil ka qaadista Maamulka Gobalka Hiiraan  Balse arintaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo Gobalka Hiiraan ay ka jirto Dagaal beeleed ragaadiyay Magaalooyinka Gobalka Qaarkood.