Xil. Mahad Cilmi:” Wasiir Juxa wuxuu Burburinayaa Galmudug”

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaan Mahad Cilmi Cali ayaa ku eedeyey wafdiga wasiirka arimaha gudaha Cabdi Faarax juxa inuu ku xadgudbay dastuurka dowlad goboleedka Galmudug.

Xildhibaanka oo lasoo xariiray shabakadda Ceelhuur Online ayaa sheegay sidan:” Wasiirku wuxuu ku xadgudbay dastuurka Galmudug, kadib markii uu sheegay inuu dib u dhigista doorashada galmudug iyo dib u heshiisiinta ahlu sunno go’aan kala gaarey gudiga doorashada galmudug, wuxuuna garab maray hay’ adihii ku shaqada lahaa arimaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhigida doorashada waxay umuuqataa iney horseedayaan dib u dhac iyo dhibaataynta haykalka dowladnimada Galmudug”.

Xildhibaanka ayaa intaa raaciyey wasiirka iyo xubnaha la socda ay faraha kala baxaan falalkaas guracan ay ku burburinayaan Galmudug.

Xildhibaan Mahad ayaa sheegay in wasiirku lacag laaluush ah doonayo inuu ku kala furfuro xildhibaanada Galmudug, taas oo ku sheegay inay meel ku dhac u tahay Barlamaanka Galmudug.

Hadalka xildhibaanka ayaa yimid kadib markii caawa uu soo baxay heshiis ay gaareen gudiga doorashada Galmudug iyo wafdiga dowladda Federaalka.