Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay xogta shir muhiim ah oo caawa ay ku yeesheen Madaxtooyada Galmudug wafdi ka socda dowlada Federaalka iyo Gudiga doorashada Galmudug oo matalayey xildhibaanada Galmudug.
Kulankan ayaa wax dhanka dowladda Federaalka uga qeybgalay Wasiirka arimaha gudaha DFS Cabdi Faarax Saciid Juxa, Wasiiru dowlaha Howlaha Guud DFS Axmed Cabdi Kaariye iyo xildhibaano. Dhanka Galmudug waxaa uga qeybgalay gudiga doorashada Galmudug.
Kulankan ayaa goordhow soo idlaaday waxaana lagu gaaray heshiis horudhac, Gudiga Doorashada Galmudug iyo Wafdiga Heer Federal Waxay isla garteen :
- in doorashada Madaxweynaha din loo dhigo ilaa 30 April 2017.
- Wafdiga Dowlada ka socday Waxa ay soo bandhigeen Jadwal ka Kooban 3 Waji oo ay damacsanyihin in ay fuliyaan Mudada ay codsadeen.
- Laga bilaabo 10 April ilaa 17 April in wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunno ka dhaco magaalada Muqdisho.
- Laga bilaabo 17 ilaa 25 April in la fuliyo waxa lagu heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunno.
- Laga bilaabo 25 ilaa 30 in la isku diyaariyo doorashada.
- In 30 April la Qabto Doorshada Madaxweynaha Galmudug.
Heshiis ayaa la filayaa in beri la shaaciyo, waxaana sidoo kale ilo xog-ogaal ah sheegayaan in masuuliyiinta dowladu beri siiyaan xildhibaanada Galmudug mushaarka dhowr bilood ah si aysan uga hor imaan arintaan.
Dowladda Ra’iisulwasaare Xasan Kheyre ayaa culeys ka kulmeysa Beesha Caalamka oo ku cadaadinaysa in Ahlu sunno arinteeda la xaliyo.
Wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com