Xaqiiqooyin ku Xeeran Barlamaanka cusub ee Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

26 bishan Maarso 2018 ayaa markii ugu horeysay lagu guuleystay in la soo bandhigo Barlamaanka cusub ee Galmudug oo ka kooban 178 xildhibaan oo isugu jira kuwii hore iyo xubno cusub oo ka yimid ahlu sunna, Waxaana la dareemayaa in wali ay jiraan waxyaabo badan oo laga qarinayo saxaafadda.

Warar kala duwan ayaa ka jira tirada lagu kordhiyey barlamaankii hore ee Galmudug, ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa sheegaya in ay jiraan 16 xildhibaan oo dheeraad ah kuwaas oo ay qeybsadeen Madaxda Galmudug, waxaana la filayaa in Tirada Guud ee Barlamaanku gaarto 195 xildhibaan.

Dhanka kale Xildhibaanada cusub ee lagu soo biiriyey Barlamaanka ayaa u badan dhalinyaro ka mid ahaa saraakiisha Ahlu sunna, Waxaana la filayaa in maalinta isniinta ah ay yeeshaan Barlamaanka cusub kulankooda rasmiga ah, iyadoo kahor waqtigaas xildhibaanada cusub loo sameyn doono aqoonsiga xildhibaanimo.

Waxa aan wali cadeyn waqtiga uu jirayo barlamaankan cusub, iyadoo horey loo ogaa in mudda barlaamaanka Galmudug ku egtahay June 2019. waxaana muuqata in aysan Galmudug qaadi karin Barlamaan tiradaas la eg dhaqaale ahaan balse ay keentay qancinta maamulka Ahlu sunna.

Xaqiiqooyinka ku xeeran Barlamaanka cusub

  1. Waa Barlamaanka ugu tirada badan Maamul goboleedyada
  2. Waa barlamaankii ugu horeeyey ee maamul gobleedyo kale xildhibaano ku yeeshaan.
  3. waxaa suurtagal ah in tirada barlamaanka ka badato 200 xildhibaan
  4. Tirada badan ee Ahlu sunna ka soo gashay Barlamaankan waxa ay u fududeynaysaa in ay yeeshaan awoodda waxka badalka dastuurka iyo jiheynta barlamaanka.
  5. Waxaa jirta warar hoose oo sheegaya in Ahlu sunno ay doonayaan in la wareegaan jagooyinka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamaanka.
  6. Halkii xildhibaan ayaa gunno ahaan u qaadan doona 1000$, taas oo sababi kartaa hadii xildhibaanadu waayaan lacagtaas in ay keenaan mooshino ay dhaqaale ku raadinayaan .
  7. Tayada Barlamaanka oo ka liidan doonto barlamaankii hore Galmudug.
  8. Waxaa fududaan doonta markasta in la helo kooram, maadaama xildhibaanadu badan yihiin.
  9. Waxa uu kaga fiican yahay barlamaankii hore , jufooyinka hoose ee beelaha ayaa si fiican isaga dhex arkaya barlamaanka cusub.

gabangabadii Barlamaanka cusub ee Galmudug ayaa waxaa lagu qiimeyn doonaa fadhiyada ugu horeeya sida ay noqoto howl qabadkiisa, iyadoo barlamaankii hore lagu eedeyn jiray in ay waqtiga ugu badan ku bixiyeen Mooshin iyo mushaar raadin.