Carlo Ancelotti Oo Doonaya Shaqada Arsenal

Ciyaaraha

Tababarihii hore ee Chelsea Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu tababare Arsene Wenger ka bedelo shaqada Arsenal.

Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay tababare u noqoto tababaraha Talyaaniga xilli ciyaareedka soo socda, laakiin sida laga soo xigtay Calciomercato, waxa uu indhaha ku hayaa Gunners.

Ancelotti ayaa shaqo ka maqnaa tan iyo intii uu ka tagay Bayern Munich bishii lasoo dhaafay, lakiin waxaa dhowaan lala xiriiriyay dhowr boos oo ay ku jiraan shaqada ugu sareysa ee xulka Italy.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxdii hore ee Chelsea uu sidoo kale isha ku hayo inuu ku laabto mar kale.

Tababaraha haatan Arsene Wenger ayaa cadaadis lagu saaraya inuu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkaan ka dib markii Gunners ay 13 dhibcood ka hooseyso booska Champions League ee horyaalka Ingariiska.

Si kastaba ha ahaatee, macalinka reer Faransa ayaa cadaadis saaray qaar ka mid ah ciyaartoydiisa isagoo Gunners ku hogaamiyay inay 2-0 ku garaacaan AC Milan kulankii Europa League .