Sedex Koox Oo Isku Haysta Thomas Muller

Ciyaaraha

kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabaan laacibka kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller.

Muller, oo 27 sanno jir ah, ayaa labo kulan oo kaliya u jira inuu u safto 400 kulan Bayern, halkaasoo uu ku qaatay xirfadiisa oo dhan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2016-17, hase yeeshee, shan gool oo uu Bundesliga ka dhaliyay 29 kulan oo uu u saftay, ayaa ahaa kii ugu fiicnaa tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda koowaad.

Sida laga soo xigtay wargeyska Bild, Arsenal, Chelsea iyo Liverpool ayaa dhamaantood muujiyay xiisaha ay u soo bandhigeen weeraryahankii  Bayern Munich, laakiin Bayern ayaan diyaar u ahayn inay iibiso ciyaaryahan ku guuleystay lix Bundesliga isagoo ka mid ah kooxda Allianz Arena.

Muller ayaa ku soo bilowday mid ka mid ah labadii kulan ee Bundesliga ee ay  ciyaartay Bayern bilowga xilli ciyaareedka cusub.

W/Q Hafsa haji