Heshiis hordhac oo laga gaaray xiisadii Godinlabe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka soomaaliya oo shalay  gelinkii danbe soo gaaray magaalada Cadaado ayaa kulamo kala duwan  kula leh  Mas’uuliyiin ka tirsan  Galmudug, odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka isagoo kala hadlay arimo dhowra.

Ujeedada Socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Cadaado ayaa lagu sheegay dhowr arrimood oo isugu jira amniga, doorashooyinka iyo dib u heshiisiin laga dhex wado Maamulka Galmudug iyo dad tabashooyinka ka qaba.

Wasiir Odawaa ayaa xalay ilaa maanta kulamo cadaado kula leh  odayaal dhaqameed iyo waxgarad, isagoo kala hadlaya sidii loo qaadi lahaa isbaarooyin ay dhigteen deegaanka Godinlabe ee gobolka galgaduud Maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay inay taabacsayihiin qaar ka mida ganacsatada galmudug oo sheegay inay lacago deyma maamulka Galmudug kuleeyihiin balse ay uga soo bixi weysay taasi oo keentay in ganacsatadu abaabulaan maleeshiyaadka isbaarada dhigtay deegaankaasi.

Kulan wasiirka iyo odoyaasha dhaqanka dhaxmaray ee ku adan dhanka qaadista isbaarooyinka oo maalmihii danbe ay xiisado ka jireen ayaa la sheegay in laga gaaray heshiisyo hordhaca oo lagu xalinaayo dadka tabashooyinka ka qaba dhanka maamulka Galmudug.

Sidoo kale Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu maanta kormeero goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, maadaama dhowaan lagu soo xuli doono Cadaado xildhibaanada labada aqal ee ka imanaya deegaanada Galmudug.

Comments are closed.