Natiijada Doorashadii Somaliland oo maanta lagu dhawaaqayo

Wararka Maanta

Waxaa la filayaa  in maanta lagu dhawaaqo natiijada doorashadii 13 Bishan ka dhacday maamulka Soomaaliland, Guddiga doorashooyinka ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan sida codadka loo kala helay saddex Xisbi ee ku loolamay kursiga Madaxweynaha maamulkaasi.  Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey, wuxuuna intaasi ku daray in saacadaha soo socda ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Waxaa si weyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada, Musharaxa Muuse Biixi Cabdi ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleystay doorashada, iyadoo Musharixii Xisbigii Wadani oo xalay warbaahinta la hadlay sheegay in aysan dhicin doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo muujinaysa in lagaga horeeyo codadka. Kadib ku dhaawaqista Natiijada ayaa laga cabsi qabaa rabshada ka dhaca magaalooyinka Waaweyn ee maamulka Somaliland.