Xasan Daahir oo Fariin Adag u diray Farmaajo (Video)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Xasan Dahir Aweys ayaa muuqaal uu ka soo duubay xabsi guriga uu ku jiro ayaa ka hadlay xaalada is mari waaga ka taagan doorashada, isagoo kula taliyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday in aanu ku ceeboobin kiiska hadda taagan oo aanu isku dayin inuu damco inuu xoogo.

“War ninyahow waxaa kula talinayaa kiiskan haku ceeboobin, sharciyad waa ka dhamaatay, wax kale kuu diyaar malahan, haddaad damacdo inaad xoogtid, dadkaan waa dadkaas dhagaha fur Farmaajo, labo meel ayaa ka tusayaa, mid waxa weeye dadka hadda kaa soo horjeeda waa dadkii Maxamed Siyaad Barre, markii awoodda heystay oo xukun adag heystay waa nimankii meesha ka saaray, waa kuwee, Hawiye, Daarood oo aad ka dhalatay, meeshaan haku ceeboobin ummadda balaayo ha u soo jeedin, si quman ku joog, ama si quman uga bax, dalkaan halis ayuu galayaa haddii fidno ay dhacdo”

Mar uu ka hadlayay damaca Madaxweyne Farmaajo ku doonayo in awood ciidan ku adeegsado ayuu u sheegay inuu ku caqli qaato wixii horay u dhacay dowlad labaatan jirsatay in hilfaha loo qaaday, dowlad afar sano jirta aanu isku dhejin, ciidan kasta oo uu keensada aanay ka dagaalami karin meel aysan dad ku laheyn

“Mid kale waa ku sheegi lahaa, wiilkaan ha iga loogin (Fahad) waxbuu igu fadhiyaa waxa sheegayaa Fahad. axmed salebaan dafle kamana ciidan badna, kama tol badna”ayuu yiri Xasan Dahir

Halkaan ka daawo fariinta