Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Madaxda Soomaaliyeed

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyeed inay heshiis gaaraan, iyadoo soo dhoweysay imaatinka ay Muqdisho yimaadeen Madaxda ka qeyb galeysa shirka loo balansan yahay maalinta berri.

War saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in shirka uu berri ka dhacayo garoonka diyaaradaha, gaar ahaan Tendhada Afisyooni.

“Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

Waxaan sidoo kale la dhiirigeliyay la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran.

Waxaan ka codsanaynaa madaxda Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay gaaraan xal siyaasadeed nabdoon oo horseeda doorashooyin, ayna sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka u ah danta qaranka Soomaaliyeed iyo dadkiisaba.

Saaxiibada caalamku waxay sii wadayaan dadaaladooda ku aaddan isku soo dhoweynta saamilayda Soomaaliyeed. Waxaan mar kale ku celinaynaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka marka la isku af-garto faahfaahintiisa.

  • Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.