Xarunta Dhexe ee Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka oo la daahfuray (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaa gelinkii dambe ee maanta 05-01-2019 si rasmi ah loo daah-furay xarunta dhexe ee Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka oo noqoneysa xarunta ugu weyn ee uu Xisbi siyaasaddeed oo Soomaali ah yeesho.

Waxaana munaasabaddii furitaanka xaruntan kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jiray Senataro golaha Aqalka Sare ah, Xildhibaano golaha shacabka ah, siyaasiyiin, madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira iyo marti sharaf kale, ayadoona xaruntan uu si rasmi ah u daah-furay guddoomiyaha Xisbiga mudane Hassan Sheikh Mohamud.

Daah-furka xaruntan dhexe ee uu Xisbigu yeelanayo ayaa waxaa ku lamaannaa magacaabista golaha fulinta ee Xisbiga oo ilaa bartamaha sanadkan sii shaqeyn doona inta shirweynaha qaran ee Xisbiga loogu dooranayo guddoonka Xisbiga oo rasmi ah.