DEG DEG” Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre oo u amababaxay Ethiopia

Wararka Maanta

Ra iiysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdiga uu hogaaminaayo ayaa ku sii jeeda Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, Halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan Shir Madaxeedka IGAD oo maanta furmaya.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa uga ambabaxo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa todobaadkii hore iclaamiyay shir deg deg ah oo looga hadlayo Xaalada wadanka Koofurta Sudan, isagoo ku casuumay Madaxda ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa xaalada colaadeed iyo mida bani’aadanimo ee ka jirta Koofurta Sudan.

Waxaana la filayaa Rw Soomaaliya uu shirk la tago Ajandayaal quseeya Soomaaliya gaaraah arimo ay kamid yihiin in IGAD Soomaaliya ku taageerto go aan keeda dhex dhexaad nimo ee khilaafka Wadamada khaliijka. Hirgalinta qodobadii kasoo baxay shirkii IGAD ee Kenya. iyo in IGAD dadajiso u kala Dab qaadida Galmudug iyo Ahlusuuna.