Golaha Wakiilada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Talaada 8 Janaayo 2019 dooranaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.
Hadaba Maxaa ka cusub Doorashada Madaxweynaha Puntland?
- Dr Saadiq Eenow oo shalay subax sheegay in uu ka tanaasulay tartaranka xilka madaxweynaha Puntland, ayaa shalay Galab ku dhawaaqay, in uu u sharraxanyahay doorashada madaxweyne ku xigeenka.
- Murashax Siciid Cali Axmed (Qurbaawi) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay, in uu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtinimada Puntland. Mr Qurbaawi ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay ku sheegay, in uu u tanaasulay murashaxa kale ee lagu magacaabo,Cali Ciise Cabdi oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland.
- Ilaa 6 ka tirsan murashixiinta xilka madaxweymaha Puntland ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay tartanka doorashada ka tanaasuleen. Murashixiinta ayaa kala ah;Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale) ,Cali Axmed Gamuuti,Cabdixakiim Cabdi Xaashi, Maxamed Salaad Qoryoolay,Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre,waxaana ay sheegeen in ay u tanaasuleen saddexda murashax ee kala ah; Siciid Cabdullaahi Deni, Cabdisamad Maxamed Galan iyo Daahir Mire Jibriil.
- Shuruudaha murashixiinta madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah in laga doonayo in ay bixiyaan $20 kun oo Dollar lacagta diiwaan-gelinta ah,halka murashixiinta madaxweyne ku xigeenka ay bixinayaan $10 kun oo Dollar. Sidoo kale waxaa kamid ah shuruudaha in murashaxu uu yahay ugu yaraan 40 sano jir, in Labadii sano ee u dambaysay dalka joogay iyo in uusan hore u gelin khiyaano-Qaran,islamarkaana uu saxiixo qoraalka guddiga ee dhigaya in uu ku qanco natiijada doorashada.
- Diiwaangalinta Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa bilaabatay sabti 12:00 duhurnimo waxa ayna ku egtahay maanta oo Axad ah 16:00 galabnimo.
- Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa maalinta isniinta ah 07/01/2019 07:30 subaxnimo barnaamijkooda ka horjeedinaya Golaha Wakiilada Puntland, iyadoo Musharixiiba khudbeynayo 15 daqiiqo keliya.
- Maalinta talaada 08/01/2019 07:30 subaxnimo ayaa doorashadu dhacaysaa,iyadoo wareega koowaad ay u soo baxayaan saddexda murashax ee ugu codka badan,halka wareega saddexaad uu noqon doono cod dheeri,sida ay guddigu sheegeen.
- Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa noqday Musharrixii ugu horreeyay ee u gudbiyay guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka warqaddii codsiga Musharraxnimada Madaxweynaha Puntland, buuxiyayna dhammaan shuruudihii looga baahnaa.
Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda musharixiin kale ay ka tanaasulaan Musharaxnimada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland. Doorashada Puntland ayaa sanad leh xiiso gaar ah, waxaana la maleynayaa in wajiyo cusub ku soo baxaan hoggaanka Puntland.