Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Magaalada Jowhar

Wararka Maanta

Maxamed Mursal Sheeh C/raxmaan Guddoomiyha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar Caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Mursal ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare, ku-xigeenkiisa Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre Maxamed iyo tiro Wasiiro ayaa si wayn ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyay Madaxtooyadda Magaalada Jowhar. Gudoomiyaha waxaa safarkiisa ku wehliya Gudoomiye ku xigeenka labaad aqalka Sare iyo tiro xildhibaano ah.

Madaxda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen inay ku farxsan yihiin safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ku tagay Magaalada Jowhar. Ujeedka safarka Gudoomiyaha in uu furo Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Inta uu joogo Magaalada Jowhar Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa masuuliyiinta Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si wayn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada amniga ay yihiin kuwa gaaf wareegaya Magaalada gudaheeda iyo daafaheeda.