Xaaladda Degmada Balcad ee gobolka Sh. Dhexe

Wararka Maanta

Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa xalay waxaa dagaal ku soo qaaday ururka Alshabaab, waxaana ay dagaal kala kulmeen ciidanka dowladda ee halkaas ku sugnaa. inkastoo markii dambe Alshabaab gacanta ku dhigeen xaruntii degmada iyo saldhigga booliska, halkaas oo ay ka sii daayeen Maxaabiis ku jirtay.

Ciidanka Dowladda ayaa dib ugu gurtay warshadda Dharka oo saldhig u ah ciidamada AMISOM, ciidanka Amisom ayaa madaafiic ku garaacay xaafadihii ay alshabaab qabsadeen.

Waxaana markii ay alshabaab dib uga baxeen Magaalada Balcad, lama oga khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, ciidanka Dowladda ayaa dhowr saacadood kadib dib ula wareegay fariisimihii laga qabsaday.

Magaalada Balcad oo 30km u jirta caasimadda Muqdisho ayaa dhowr jeer Alshabaab weerareen, sidoo kale Alshabaab ayaa dhawaan la wareegay deegaanka Dhanaane oo ay kasoo baxeen ciidamada Dowladda oo mushaar la’aan ka gadoodsan.