Wasiir Goodax: ” Ardeyda Puntland ma heli doonin shahaadada dowladda”

Wararka Maanta WAXBARASHADA

Wasiirka waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ardeyda reer Puntland aysan heli doonin shahaado waxbarasho oo ay dowladdu aqoonsan tahay .

Cadullaahi Goodax Barre, waxa uu sheegay in calaaqaadkii dhanka waxbarasho ee ka dhaxeeyay maamul gobolleedka Puntland iyo dowladda federaalka uu soo dhamaaday.

Wasiirka ayaa Puntland ku eedeeyay in ay diideen in imtixaanaadka shahaadiga ah in ay ka qeyb noqdaan.

Dhowaan ayay Puntland qaadday imtixaankeedii shahaadiga ahaa oo maalmo ka hor idlaaday, Imtaxaanka iskuullada Puntland waxaa u fariisatay illaa 16 kun oo ardey, waana mid ka duwan imtaxaanka wasaaradda Wabrashada Soomaaliya. Wasaaradda waxay dooneysay in imtaxaan mideysan laga qaado iskuullada dalka oo dhan, laakiin maamullada qaar ayaa diiday arrintaas.

Xigasho: BBC