Dowladda Uganda oo ka hadashay Weerarkii Jannaale iyo askariga laga haysto

Wararka Maanta

Dowladda Uganda ayaa ka hadashay xaalada uu sugan yahay askarigii ay Al-Shabaab uga qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose halsano ka hor.

Jeneral Katuba Wamaala oo ah taliyaha guud ee ciidanka dowladda Uganda oo la hadlay Wargeys kasoo baxa magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa sheegay in ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan askari ka tirsan ciidanka dowladda Uganda , islamarkaana ay wadaan qorsho ay doonaayaan in ay kusoo furtaan askarigaasi.

Jeneral Katuba Wamaala ayaa sheegay in weerarkaasi Janaale dowladda Uganda looga dilay 19 askari oo qeyb ka ahaa ciidanka Midowga Afrika ee howlgalka kawada gudaha dalka Soomaaliyeed.

Waxa uu qiray in askari gacanta ugu jira Al-Shabaab ay ku qabteen weerarkii Jannaale , islamarkaana dowladda Uganda ay u ciqaabtey taliyeyaasha ciidanka Uganda ee deegaanka Janaale heystay.

Waxa uu sheegay in taliyeyaasha ay galeen qalad ,madaam ilaalada saldhig ay aad u yaraayeen.

Afhayeenka Ciidanka dowladda Uganda Kolonel Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in uu nool yahay askariga ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan , waxuuna sheegay in maalin maalmaha ka mid ah ay ku raja weyn yihiin in uu dib xoriyadiisa u helo.

Waxa uu sheegay in dowladda ay leedahay Qorshayaal badan oo lagu soo badbaadiyo muwaadiniinta laga heysto sidaas darteedna askarigaasi ay soo badbaadi doonaan.

Ehelada askariga ay Al-Shabaab gacanta ku dhigeen hal sano ka hor ayaa dowladda Uganda ku eedeeyay in ay dayacday noolasha askarigaasi , waxayna dowladda ka codsadeen in la maro wadiiqo kasto oo lagu soo badbaadin karo.

Muuqaal ay Al-Shabaab ugu tala galeen in ay uga hadlaan weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday saldhiga Ciidanka dowladda Uganda ee deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhex muuqday askari u dhashay dowladda Uganda oo ay sheegeen in ay kusoo qabteen weerarkii Jannaale , waxaana uu ku hadlaayay luqada Sawaaxilga.