Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester United Javier Hernandez Oo Muujiyay Dhaawacii Xumaa Ee Soo Gaaray

Ciyaaraha

Weeraryahankii hore ee Manchester United Javier Hernandez ayaa shaaca ka qaaday dhaawaca naxdin lahaa ee soo gaaray isagoo jooga jarmalka.

Weeraryahankan oo 28-sano jir ah,ayaa u wareegay kooxda Bundesliga Bayer Leverkusen xiligaas oo uu ka tagay  Old Trafford sanadii 2015, waxa uu dhaliyay 27 gool 41 kulan uu u saftay kooxdiisa cusub.

Hernandez, weli in kama uusan soo muuqaan Leverkusen xilli ciyaareedkan, cusub maadaama uu ka jabayoo Gacanta intii lagu guda jiray diyaargaroygii ka horeeya xilli ciyaareedka cusub.

Weeraryahanka reer Mexico ayaa qaliin lagu guuleystay lagu sameeyay Horaantii todobaadkan, isagoo  Instagram uga mahadceliyo taageerayaasha u soo diray fariimaha.

2 thoughts on “Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester United Javier Hernandez Oo Muujiyay Dhaawacii Xumaa Ee Soo Gaaray

Comments are closed.