Arjen Robben Oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga

Ciyaaraha

Arjen Robben ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii uu Holland ay ku guul dareystay iney u soo baxo koobka adduunka ee 2018.

33 jirkaan ayaa dhaliyey goolka guusha ee Oranje kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Sweden xalayto Group A.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Dick Advocaat ayaa  farqiga goolsha ee kala sarreynta ugu soo bixi waayay koobka aduunka ee 2018 dalka raashka ka dhacaya.

“Waxaan doonayaa inaan diirada saaro kooxdayda,” ayuu u sheegay suxufiyiinta  ka dib ciyaarta kulankii Amsterdam. “Waa wakhti fiican in wadada loo baneenyo jiilka xiga.”

Robben wuxuu ku dhameysatay mustaqbalkiisa qaranka isagoo leh 37 gool 96 kulan oo uu u saftay, isagoo markii ugu horeysay xirtay funaanada Holland 2003dii.

W/Q Hafsa haji